Kirjoittaja haller » 31.01.2014 19:41
Romanit ovat alkujaan lähtöisin Intiasta. Nii, ja somalialaisiakin on tääl vaik kuinka paljon. Naapuritaloski o heitä. Olen joskus opiskellut (lähinnä rakenteiden kannalta eli siis sen mitä maallikot kutsuvat kieliopiksi) somalikieltä teoreettisesti muutaman lauseen ja kyl se oli aika vaikeeta. Yhtään k.o kielen sanaa en enää muista, mutta tunnistan, jos jossain lukee somaliksi jotain, kun kirjoitettuna siinä on paljon vokaaleja.
Tässä esimerkkini, aiheena Suomen sosiaaliturva: (k.o sivusto on infopankki.fi, josta löytyy tietoa etuuksista ym. tarpeellisesta tietysti myös suomeksi, ruotsiksi jne. Se siis voi olla tän palstankin immeisille hyödyllinen. Vink, vink. T. haller
Boggan waxaa lagu sheegayaa ammaanka bulshada ee sababta looga dhigay dhinaca degista, kuwaas oo ay Qeybta hawlganka dadku (Kela) ay mas’uulka ka tahay. Bogga waxaa ku jira macluumaadka ku saabsan xaaladda laga eegayo inaad ku jirto xeyndaabka ammaanka bulshada ee ku saleysan degista.
Bogga Infopankki Ammaanka shaqo la’aanta waxaad ka heleysaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qofka xaqa u leh ammaanka shaqo la’aanta. Nidaamka hawlgabka Finland macluumaad ku saabsan waxaad ka heleysaa bogga Infopankki Hawlgab.
Keladu waxybaaha ay mas’uulka ka tahay waxaa ka mid ah hawlgabka dadka, dheeraadka carruurta, ammaanka shaqo la’aanta ee aasaasiga ah, lacagta jiro maalmeedka iyo waalidka iyo baxnaanada. Keladu waxaa ay sidoo kale mas’uul ka tahay magdhawga daryeelka caafimaadka ee lagu bixiyo daryeelka caafimaadka gaarka loo leeyahay.
Sharciga ayaa lagu qeexay maalmooyinka Kelada sababaha lagu bixiyo. Qeyb ka ahaanshada ammaanka bulshada Finland waa in gooni loo codsadaa. Sidoo kale kaalmo kastana waa in goonideeda loo codsadaa. Marka ay Keladu go’aamineyso kaalmo, codsada kasta waxaa si shaqsi ah looga baaraandegayaa xaaladdiisa nololeed.
Xaaladaha nololeed iyo baahida kaalmo ee codsashadayaashu waa kuwa inta badan kala duduwan. Sidaas ayeeyna tirada kaalmooyinka iyo sababahooduba u kala bedelan yihiin. Xaaldaada si gaar ah u cadee marwalba.
Keladu mas’uul kama ah adeegyada caafimaadka iyo adeegyada bulshada ee ay degmooyinku mas’uul ka yihiin. Shaqsiyaadka caafimaadkooda lagu caymiyay Finland waxay Keladu siisaa kaarka Kelada. Haddii aad Finland ku leedahay guri-degmo waxaad xaq u leedahay daryeelka caafimaadka ee rugaha daryeelka caafimaadka shacabka inkastoo aadan heysan kaarka Kelada.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda degmadaada waxaad ka heleysaa bogga Infopankki Guri-degmo Finland.